Thursday, August 20, 2026

Dib u dhac ku yimid Furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BFS

Waxaa dib u dhac ku yimid Furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qorshuhu ahaa inuu beri ka furmo Muqdisho.

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaanada ku wargeliyay inuu dib u dhac uu ku yimid waqtigii loo madalsanaa in la furo kalafadhiga 7-aad ee Baarlamaanka, kaas oo markii hore loo asteeyay 20-ka bishan.

Fariin loo diray xildhibaanada ayaa u qorneed sidan ” Xildhibaanada Sharafta leh, Kulankii furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo aan u madlaneyn berito oo Sabti ah, taariikh 20ka Sebteembar 2025, waxaa dib loogu dhigay 29ka Sebteembar 2025, codsi inooga yimid Madaxweynaha daraadiis.”

Ma cadda sababta rasmiga ee loo baajiyay Furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, marka laga reebo dalab ka yimid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiiro Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Sharciga Iibka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur...

Ciidan iyo Saraakiil Somaliland ka tirsanaa oo ku biiray Maamulka Waqooyi Bari

Ciidan iyo saraakiil hore uga tirsanaa Somaliland ayaa la...

Guddoomiye Jaamac oo digniin culus u diray xildhibaanada ka maqnaada fadhiyada BF

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed...

Koofur Galbeed oo soo bandhigtay maxaabiis lagu qabtay dagaalkii Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles