Monday, September 22, 2025

Netanyahu “Falastiiniyiintu weligood ma yeelan doonaan dowlad”

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ee Falastiin u aqoonsaday inay ammaanayaan argagixisada.

Wuxuu sheegay in Falastiiniyiintu aysan waligood yeelan doonin dowlad, Israa’iilna ay ka jawaabi doonto ku dhawaaqista ay sameeyeen Britain, Canada, Australia iyo Portugal.

Waddamo kale oo uu Faransiisku ka mid yahay ayaa la filayaa in toddobaadkan ay ku daydaan shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in aqoonsiga Falastiin uu yahay tallaabo loo qaaday nabad waarta oo gobolka ah.

Mareykanka ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid soo jiidasho leh. 71 kale oo Falastiini ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Qasa Axaddii.

Go’aanka afar waddan oo reer galbeedka ah oo dhaqan ahaan isbahaysi la ahaa Israa’iil ayaa waxa ay ku midoobeen in ka badan 140 dal oo kale oo iyaguna taageera qaddiyadda Falastiin si ay u abuuraan dawlad ka madax banaan dhulka la haysto.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 22/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixanaya Heshiiska Iskaashiga difaaca

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil...

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Saraakiil sare oo Mareykan ah

Madaxweynaha  Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kulan...

Askari ka tirsan DFS oo darawal ku dilay Kaaraan

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degmada...

Maxaa looga hadlayaa shirka Golaha Ammaanka ee Q.M ee Furmaya Mareykanka?

Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa maanta si...

Soomaaliya oo soo dhaweysay taageerada Masar

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysey dhambaal ka soo baxay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles