Monday, September 22, 2025

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixanaya Heshiiska Iskaashiga difaaca

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta guddoomiyey kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada iskaashiga (MoUs) ee Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka ayaa looga hadlay diyaarinta iyo dardar-gelinta is afgaradyada dhinacyada kala duwan ee muhiimka ah ee ay kala saxiixanayaan labada dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin;

  • ⁠ ⁠Iskaashiga Difaaca
    •⁠ ⁠Dhalinyarada & Ciyaaraha
    •⁠ ⁠Waxbarashada Sare & Dhaqanka
    •⁠ ⁠Warbaahinta
    •⁠ ⁠Maaliyadda (Cashuuraha & Kastamka)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa xusay in heshiisyadani ay qayb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, lana doonayo in si toos ah loogu turjumo adeegyo iyo fursado shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa jira heshiisyo wali socda oo ku saabsan Deegaanka & Isbeddelka Cimilada, Amniga Gudaha, Iskaashiga Tacliinta Sare, iyo Beeraha iyo Amniga Cuntada, kuwaas oo lagu xallinayo dhinacyada ka harsan ka hor saxiixa rasmiga ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 22/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Saraakiil sare oo Mareykan ah

Madaxweynaha  Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kulan...

Askari ka tirsan DFS oo darawal ku dilay Kaaraan

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degmada...

Maxaa looga hadlayaa shirka Golaha Ammaanka ee Q.M ee Furmaya Mareykanka?

Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa maanta si...

Soomaaliya oo soo dhaweysay taageerada Masar

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysey dhambaal ka soo baxay...

Netanyahu “Falastiiniyiintu weligood ma yeelan doonaan dowlad”

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles