Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixanaya Heshiiska Iskaashiga difaaca

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta guddoomiyey kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada iskaashiga (MoUs) ee Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka ayaa looga hadlay diyaarinta iyo dardar-gelinta is afgaradyada dhinacyada kala duwan ee muhiimka ah ee ay kala saxiixanayaan labada dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin;

  • ⁠ ⁠Iskaashiga Difaaca
    •⁠ ⁠Dhalinyarada & Ciyaaraha
    •⁠ ⁠Waxbarashada Sare & Dhaqanka
    •⁠ ⁠Warbaahinta
    •⁠ ⁠Maaliyadda (Cashuuraha & Kastamka)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa xusay in heshiisyadani ay qayb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, lana doonayo in si toos ah loogu turjumo adeegyo iyo fursado shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa jira heshiisyo wali socda oo ku saabsan Deegaanka & Isbeddelka Cimilada, Amniga Gudaha, Iskaashiga Tacliinta Sare, iyo Beeraha iyo Amniga Cuntada, kuwaas oo lagu xallinayo dhinacyada ka harsan ka hor saxiixa rasmiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles