Dhaawacyo badan oo la dhigay Isbitaalada Ku yaala Gaza

Dhakhaatiirta ka hawlgasha mid ka mid ah isbitaaladii ugu dambeeyay ee magaalada Qasa ayaa sheegay in ay la ciirciirayaan dhaawacyada ka dhashay duqeymaha Israa’iil ayna ku qasban yihiin in ay sameeyaan qalliin ay ku jiraan xaalado adag oo aan lahayn daawooyin suuxdin ah.

Mid ka mid ah dhaqaatiirta Australia oo si mutadawacnimo ah ugu shaqeysanayay isbitaalka al-Shifa ayaa BBC u sheegay in maalin walba ay la kulmaan dhacdo dad badan ay ku dhinteen, halka mid kalena uu ka sheekeeyay sida cunug looga badbaadiyay jirka haweeney uur leh oo madaxa laga gooyay.

Ciidamada Israa’iil ayaa hadda 500 mitir u jira isbitaalka iyaga oo ballaarinaya duullaanka dhulka ah si ay si buuxda ugula wareegaan magaalada Qasa, taas oo milatariga Israa’iil ay ugu “goob ay ku xoogan yihiin”. Xamas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in taangiyada ay ku sii siqayaan bartamaha magaalada iyagoo ka kala imaanaya koonfurta iyo waqooyi-galbeed.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles