Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Baxrayn?

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa kula kulmay magaalada New York dhiggiisa dalka Baxrayn Dr. Abdullatif bin Rashid, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Baxrayn, iyo soo ban-bixinta siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyo badan. Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac ay wada danaynayaan, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta isku-duwidda iyo wadatashiga si loo adkeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Wasiir Cabdisalaan ayaa ugu hambalyeeyay Baxrayn xubinnimada loo doortay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2026–2027, isaga oo tilmaamay qiimaha uu leeyahay kursigani si loo taageero nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo tan caalamiga.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles