Taliyihii Daacish ay ku dishay Qaraxa oo maanta lagu aasayo Magaalada Garoowe

Maamulka Puntland ayaa maanta aas qaran u sameynaya Gen Axmed Cabdi Cali (Qalyare), Taliyihii Guutada 2-aad ee Ciidanka Difaaca Puntland, kaasi oo shalay ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Taliyaha ayaa qaraxa kula kulmay agagaarka degaanka Dhasaan ee degmada Qandala, xilli ciidamadu hawlgal ka dhan ah kooxda Daacish ka wadeen halkaas. Qaraxaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawacyo kale oo soo gaaray ciidamo ka mid ahaa ilaalada taliyaha.

Aaska Marxuumka oo maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb galaya, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Lugatoor

,Xubno ka tirsan golayaasha Puntland, saraakiil ciidan, culimaa’udiin, ehelka marxuumka iyo shacabka magaalada.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay in mid ka mid ah wadooyinka Magaalada Garoowe loogu magac dari doono Gen Qalyare.

Ciidamada Puntland ayaa weli wada hawlgallo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuraleyda Bari, iyagoo balan qaaday inay sii wadi doonaan dadaallada lagu ciribtirayo khataraha amni ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles