Wednesday, June 24, 2026

MW Xasan Sheekh oo mucaaradka ku dhaliilay inay diideen guddi farsamo oo wada shaqeeya

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi uu siiyay BBC kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dib u eegista Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u eegista Dastuurka loo maray hab sharci ah, isagoo xusay in la sameeyay guddi madax-bannaan, baarlamaankuna kalsooni siiyay, kadibna shaqooyinkii lagu heshiiyay ay bilaabeen. “Anagu waxa aan aaminsanahay in aan si adag u raacnay sida dastuurka dib u eegis loogu sameynayo,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xarriiqay in Dastuurka uu ogol yahay in dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu arrimaha siyaasadda ka wada hadlaan, wixii lagu heshiiyana loo gudbiyo Baarlamaanka, balse Baarlamaanku xaq u leeyahay in uu wax ka beddelo qodobadaas. Wuxuu intaas ku daray in wadahadal cusub la furay, lana aqbalay qodobbo ay mucaaradka iyo maamullada qaar soo jeediyeen, isagoo sheegay in weli albaabka doodda uu furan yahay.

Madaxweynuhu waxa uu dhaliil u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku jira Madasha Samatabixinta, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay diideen in la sameeyo guddi farsamo oo labada dhinac ka kooban, si loo xalliyo qodobada la isku hayo. Wuxuu sheegay in qaarkood ay ku adkeysteen in Dastuurka 2012-kii sidii uu ahaa lagu daayo, taas oo uu ku tilmaamay mid aan waaqici ahayn.

Isagoo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu caddeeyay in jadwalka iyo waqtiga doorashooyinka ay ku jiraan awooda guddiga doorashada ee madaxa bannaan, ayna dowladdu xaq u lahayn oo kaliya hirgelinta, balse aysan awood u lahayn in ay iskeed u dejiso jadwal cusub. Wuxuu sheegay in aanu raadinayn muddo kordhin, balse uu ogol yahay waxa sharcigu dhigayo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in inkastoo maamulada Jubbaland iyo Puntland ay ka hor yimaadeen hanaanka dib u eegista Dastuurka, hadana xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu uusan gabi ahaanba go’in, balse uu mararka qaar dib u dhac ku imaan karo.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku celiyay in dowladdiisu ka go’an tahay dhameystirka Dastuurka iyo gaarsiinta dalka doorasho qof iyo cod ah, isagoo ku baaqay in doodaha iyo aragtida kala duwan lagu dhameeyo wadahadal iyo tanaasul siyaasadeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles