Wednesday, June 24, 2026

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay fal lagu carqaladeynayo amniga caasimadda

Warsaxaafadeed ay soo soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay ugu hadashay dagaalka ciidanka dowladda iyo Mucaaradka ku dhexmaray Muqdisho.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysaa falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku dhaqaaqeen xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog kula wareegaan Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.”ayaa lagu yiri warka

Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay “Dowladda Soomaaliya waxay ka xun tahay in siyaasiyiin ku haminaya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadiyaan dhiigga shacabka iyo kan Ciidamada Qalabka Sida ee ku hawlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.”.

“Dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa in wixii maanta ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ay masuuliyaddiisa qaadayaan xubnihii sida bareerka ah ugu xadgudbay jiritaanka dowladnimada, amniga, kala dambeynta iyo shuruucda dalka.” ayaa markale lagu yiri qoraalka

Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa siyaasiyiintaasi iyo ciddii kale ee khalkhal gelineysa amniga inay ka waantoobaan falalkaasi guracan, una hoggaansamaan sharciga iyo dastuurka dalka u degsan.

Ugu dambeyn DFS waxay caddeyneysaa inay u taagan tahay ilaalinta sharciga, bedqabka shacabka iyo hantidooda, iyo in lala xisaabtamo cid kasta oo wax u dhimeysa amniga qaranka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles