Wednesday, July 8, 2026

Khasaaraha dhimasho ee weerarkii Xalay Liido lagu qaaday oo korortay

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay weerarkii Al-Shabaab ay xalay ku qaaday Liido, waxaana ay sheegtay in uu ka dhashay qasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Dhimashada ayaa gaartay ku dhawaad 40 qof halka dhaawacana uu yahay toddobaatameeyo, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee lahga helayo goobaha caafimaadka.

Waxaa la sheegay inay soo korortay dhimasho hor leh, waxaana Cusbitaalada ku dhintay dad markii hore dhaawac ahaan loo geeyay, taasi oo keenaysa inay sii kororto dhimashada, waxaana wali laga dayrinayaa xaaladda Caafimaad ee bukaanada qaar.

Qaraxii xalay ka dhacay Xeebta Liido ayaa ah qarixii ugu khasaaraha badnaa marka loo eego qaraxyadii dhawaanahaan ka dhacayay Caasimadda, waxaana ku dhintay dhalinyaro badan oo u soo damaashaad tagay Xeebta.

Masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda ayaa ka hadlay weerarkii xalay, waxaana dhammaantood ay tacsi u direen ehelada dadkii xalay ku nafwaayay Qaraxa.

Weerarka kadib Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha X.J.F.S, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laamaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii AS ku qaaday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Dekadaha oo Baydhabo kula kulmay Odayaasha dhaqanka

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeer ku sameeyay ciidamada Shabeellada Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha...

Booliska Kenya oo adkeeyay ammaanka Nairobi ka hor dibadbaxyada iyo Baarlamaanka oo la hareereeyay

Booliska Kenya ayaa dhigay xannibaado iyo baro kontorool waddooyinka...

Wadahadalo u furmaya DF iyo mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo dhex dhexaadinaysa

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah ka furmay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles