RW Xamsa oo daah furay Tartanka Kubada Cagta Degmooyinka Gobolka banaadir iyo balcad warsheekh

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay Tartanka Ciyaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyo degmooyinka deriska la ah caasimadda ee Balcad iyo Warsheekh, oo sanadkan la ballaariyey, si loo xoojiyo isdhexgalka bulshada, horumarinta ciyaaraha iyo dhiirrigelinta nabadda.

Munaasabadda furitaanka oo ka dhacday gegida ciyaaraha ee Istaadiyow Muqdisho ayaa waxaa ka soo qaybgalay; Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xildhibaan Dahabo Suusow, Wasiirro, xildhibaanno, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Madaxda degmooyinka Balcad iyo Warsheekh, iyo Halyeeyadii hore ee kubadda cagta Soomaaliyeed.

Tartanka waxaa si rasmi ah loogu furay ciyaar u dhaxaysa Xulka Kubadda Cagta Degmada Kaaraan, oo ah difaacdayaasha koobka, iyo Xulka Degmada Dharkeynley, oo horey ugu guuleystay.

Madaxda madasha ka hadlay ayaa si gaar ah u bogaadiyay dadaalka lagu diyaariyay tartankan iyo sida uu u noqday fursad lagu mideeyo bulshada, laguna kobciyo hibada ciyaartoyda da’da yar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda uu isboortigu ku leeyahay dhismaha nabadda, isagoo ku baaqay in tartankan loo arko mid kobcinaya isfahamka, wadajirka iyo nabadda bulshada Soomaaliyeed.

Dhankiisa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa tilmaamay in ciyaaraha heer degmo ay yihiin laf-dhabarta kobcinta ciyaaraha dalka, islamarkaana tartankan uu dhiirrigelin doono dhalinyarada degmooyinka.

Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xildhibaan Dahabo Suusow ayaa carrabka ku adkaysay in wasaaraddu ka go’an tahay taageeridda dhallinyarada iyo abuuridda fursado ciyaareed oo horseeda horumar qaran.

Dhamaan mas’uuliyiinta hadalka jeediyay waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay ku fara-adaygaan nabadda, amniga iyo midnimada, iyagoo xusay in ciyaaruhu yihiin aalad mideynaysa bulshada, islamarkaana ma-huraan u ah dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

Tartanka Ciyaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo derisyada Balcad iyo Warsheekh ayaa sanadkan loo arkaa mid ka duwan kuwii hore, maadaama uu horseedayo ballaarin iyo kobcin cusub oo dhinaca ciyaaraha ah. Waxaa sidoo kale laga filayaa in uu soo saaro ciyaartoy hiboolayaal ah, oo mustaqbalka dhow ka u ciyaari kara kooxaha heerarka horyaalka Soomaaliya iyo metelaadda Xulka Qaranka Dalkeenna.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles