Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo New York uga qeybgashay Kulan Caalami ah oo ku saabsan arrimaha Qoyska.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Isnaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeybgashay kulan caalami ah oo ku saabsan wadajirka caalamiga ah ee Arrimaha Qoyska, kulankaasi oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirro badan oo arrimaha Haweenka iyo Qoyska qaabilsan.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Emine Erdoğan ayaa si gaar ah u quseeyey xaaladaha Haweenka dalalka Islaamka ayadoo intii uu socday la isku dhaafsaday doodo islamarkaana lagu soo bandhigay aragtiyo la xiriira iskaashiga Haweenka Aduunka iyo sidii si wadajir ah loogu hormarin lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Isnaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo khudbad ka jeedisay kulanka ayaa ka warbixisay xaaladda ay ku sugan yihiin Haweenka Soomaaliyeed iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaaday dhiiri gelinta iyo hormarinta Haweenka waxaana ay sidoo kale faah faahin ka bixisay qorshayaasha hortebinta u leh Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo lagu hormarinayo Haweenka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles