Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo New York uga qeybgashay Kulan Caalami ah oo ku saabsan arrimaha Qoyska.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Isnaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeybgashay kulan caalami ah oo ku saabsan wadajirka caalamiga ah ee Arrimaha Qoyska, kulankaasi oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirro badan oo arrimaha Haweenka iyo Qoyska qaabilsan.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Emine Erdoğan ayaa si gaar ah u quseeyey xaaladaha Haweenka dalalka Islaamka ayadoo intii uu socday la isku dhaafsaday doodo islamarkaana lagu soo bandhigay aragtiyo la xiriira iskaashiga Haweenka Aduunka iyo sidii si wadajir ah loogu hormarin lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Isnaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo khudbad ka jeedisay kulanka ayaa ka warbixisay xaaladda ay ku sugan yihiin Haweenka Soomaaliyeed iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaaday dhiiri gelinta iyo hormarinta Haweenka waxaana ay sidoo kale faah faahin ka bixisay qorshayaasha hortebinta u leh Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo lagu hormarinayo Haweenka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles