Trump oo amray in ciidamo loo diro magaalada Portland

Madaxweyne Donald Trump ayaa amray in ciidamada Mareykan ah loo diro magaalada Portland ee gobolka Oregon, isagoo sidoo kale oggolaaday in la adeegsado “xoog buuxa” haddii loo baahdo, si loo xakameeyo mudaaharaadyo ka dhan ah xarumaha lagu hayo dadka muhaajiriinta ah.

Trump wuxuu sheegay inuu “amar siiyay Wasiirka Dagaalka, Pete Hegseth, si uu u bixiyo dhammaan ciidamada lagama maarmaanka u ah si loo ilaaliyo magaalada Portland oo uu ku tilmaamay mid dagaal lagu burburiyay.”

Wuxuu ku andacooday in tallaabadani ay ka caawin doonto in la ilaaliyo “goobaha ICE ee la weerarayo ama go’doonsan, kuwaasoo ay bartilmaameedsanayaan kooxda Antifa iyo kooxo kale oo argagixiso gudaha ah,” isagoo intaa raaciyey qoraal uu soo dhigay batrisa bulshada ee Truth Social: “Sidoo kale waxaan oggolaaday adeegsiga Xoog Buuxa, haddii loo baahdo.”

Qoraalkan ayaa dhaliyay dhaleeceyn adag oo uga timid xildhibaanno Dimuqraadi ah, kuwaas oo sheegay in aysan jirin wax baahi ah oo keeni karta in ciidamo federaal ah loo diro magaalada.

“Wax khatar ah oo amniga qaranka ah kama jirto Portland. Bulshooyinkeenuna waa kuwaa nabadda oo deggan,” ayay tiri Guddoomiyaha gobolka Oregon, Tina Kotek.

Shir jaraa’id oo ay qabatay sabtidii, guddoomiyaha gobolka Oregon, Tina Kotek, waxay sheegtay in “ciidamo loo dirayo Portland ay noqon doonto ku takri-fal awoodeed,” iyadoo intaas ku dartay inay la shaqeynayso Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Oregon, Dan Rayfield, “si loo eego haddii ay jirto wax jawaab ah oo lagama maarmaan ah.”

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles