Taliye Sahal oo amray in deg deg Al-shabaab looga saaro Degmada Awdheegle

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal iyo dhaq-dhaqaaq ballaaran oo ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqday deegaanno ku dhow degmada Awdheegle, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al-shabaab.

Safarka Taliyaha waxaa ku wehlinayay Taliyaha Sector-ka 1-aad ee AUSSOM iyo saraakiil kale oo ka tirsan xoogga dalka.

Intii uu ku sugnaa jiidda hore, Taliyaha ayaa kormeeray goobaha ay ciidamada ka wadaan howlgallada, isagoo ku ammaanay guulaha la gaaray iyo jabkii culus ee la gaarsiiyay Al-shabaab.

Wuxuu faray ciidamada is garabsanaya inay sii xoojiyaan dagaalka illaa laga soo afjaro goobaha ay Khawaarijtu gabbaadka ka dhigteen.

Sidoo kale Taliyaha ayaa amar bixiyay in deg deg loo qabto degmada Awdheegle oo Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku sugan yihiin.

Shabeellaha Hoose ayaa hadda ka socda wajiga saddexaad ee hawlgalka “Duufaanta Aamusan”, kaas oo lagu beegsaday saldhigyada iyo difaacyada Al-shabaab, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku dhowdahay qorshaha ah in laga xoreeyo degmada Awdheegle iyo deegaanada kale ee ay weli ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles