Madaxweyne Cirro oo ka qaybgalaya Doodda Afrika iyo Imaaraadka ee Abu Dubia

Madaxweynaha  Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa ka mid noqon doona martida sharafka leh ee lagu casuumay shirweynaha caalamiga ah ee Doodda Afrika iyo Imaaraadka (The African Debate – UAE), kaas oo ka dhacaya magaalada Abu Dhabi 30-ka Sebtembar.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Imaaraadka iyo dalalka Afrika, iyadoo looga golleeyahay in la abuuro maalgashi waara, lana horumariyo ganacsiga iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Waxyaabaha muhiimka ah ee ajendaha shirka ka mid ah waxaa ka mid ah:

Kobcinta xiriirka dhaqaale ee Afrika iyo Imaaraadka.

Maalgashiga tamarta la cusboonaysiin karo.

Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xidhka suuqyada.

Kobcinta hal-abuurka dhijitaalka ah iyo ICT.

Horumarinta wax soo saarka cuntada.

Faa’iidaysiga heshiisyada ganacsi ee Imaaraadka iyo Afrika.

Madasha ayaa marti-gelinaysa hoggaamiyayaal iyo ganacsato caalami ah, waxaana la filayaa inay si toos ah isugu xidhdo maalgashadayaasha iyo suuqyada Afrika iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Cirro ayaa kulankan u arka fursad muhiim ah oo Somaliland ay ku soo bandhigto guulaha ay ka gaadhay xasilloonida, dimuqraadiyadda iyo nabadda gobolka, isagoo sidoo kale ka shaqeynaya sidii dalku u soo jiidan lahaa maalgashi istiraatiji ah oo lagu horumarinayo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles