Madaxweyne Cirro oo ka qaybgalaya Doodda Afrika iyo Imaaraadka ee Abu Dubia

Madaxweynaha  Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa ka mid noqon doona martida sharafka leh ee lagu casuumay shirweynaha caalamiga ah ee Doodda Afrika iyo Imaaraadka (The African Debate – UAE), kaas oo ka dhacaya magaalada Abu Dhabi 30-ka Sebtembar.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Imaaraadka iyo dalalka Afrika, iyadoo looga golleeyahay in la abuuro maalgashi waara, lana horumariyo ganacsiga iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Waxyaabaha muhiimka ah ee ajendaha shirka ka mid ah waxaa ka mid ah:

Kobcinta xiriirka dhaqaale ee Afrika iyo Imaaraadka.

Maalgashiga tamarta la cusboonaysiin karo.

Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xidhka suuqyada.

Kobcinta hal-abuurka dhijitaalka ah iyo ICT.

Horumarinta wax soo saarka cuntada.

Faa’iidaysiga heshiisyada ganacsi ee Imaaraadka iyo Afrika.

Madasha ayaa marti-gelinaysa hoggaamiyayaal iyo ganacsato caalami ah, waxaana la filayaa inay si toos ah isugu xidhdo maalgashadayaasha iyo suuqyada Afrika iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Cirro ayaa kulankan u arka fursad muhiim ah oo Somaliland ay ku soo bandhigto guulaha ay ka gaadhay xasilloonida, dimuqraadiyadda iyo nabadda gobolka, isagoo sidoo kale ka shaqeynaya sidii dalku u soo jiidan lahaa maalgashi istiraatiji ah oo lagu horumarinayo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles