Taliye Sahal oo amray in deg deg Al-shabaab looga saaro Degmada Awdheegle

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal iyo dhaq-dhaqaaq ballaaran oo ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqday deegaanno ku dhow degmada Awdheegle, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al-shabaab.

Safarka Taliyaha waxaa ku wehlinayay Taliyaha Sector-ka 1-aad ee AUSSOM iyo saraakiil kale oo ka tirsan xoogga dalka.

Intii uu ku sugnaa jiidda hore, Taliyaha ayaa kormeeray goobaha ay ciidamada ka wadaan howlgallada, isagoo ku ammaanay guulaha la gaaray iyo jabkii culus ee la gaarsiiyay Al-shabaab.

Wuxuu faray ciidamada is garabsanaya inay sii xoojiyaan dagaalka illaa laga soo afjaro goobaha ay Khawaarijtu gabbaadka ka dhigteen.

Sidoo kale Taliyaha ayaa amar bixiyay in deg deg loo qabto degmada Awdheegle oo Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku sugan yihiin.

Shabeellaha Hoose ayaa hadda ka socda wajiga saddexaad ee hawlgalka “Duufaanta Aamusan”, kaas oo lagu beegsaday saldhigyada iyo difaacyada Al-shabaab, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku dhowdahay qorshaha ah in laga xoreeyo degmada Awdheegle iyo deegaanada kale ee ay weli ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles