Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu wanaagsan Bariga Afrika

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dekedaha Muqdisho iyo Berbera loo aqoonsaday kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika sanadkii 2024, sida lagu sheegay warbixinta Container Port Performance Index (CPPI) oo ay si wadajir ah u soo saareen Bangiga Adduunka iyo Hay’adda S&P Global Market Intelligence.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku bogaadiyay guushan, isaga oo xusay in ay ka tarjumayso dadaalka dowladda, maamulka dekedaha, shirkadaha maamula iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay ee lagu horumarinayo adeegyada dekedaha dalka.

“Guushan waxay caddeyn u tahay in Soomaaliya ku talaabsatay horumar muuqda oo ku saabsan casriyeynta iyo hufnaanta dekedaha, iyadoo ay dowladda ka go’an tahay in dekedaha dalka laga dhigo marinno lagu kalsoonaan karo oo qeyb ka qaata kobaca ganacsiga caalamiga ah,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka waxa uu intaa ku daray in dowladda ay ka go’antahay casriyeynta dekedaha dalka, kordhinta hufnaanta, iyo in laga dhigo marinno lagu kalsoonaan karo oo ganacsiga caalamiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles