Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu wanaagsan Bariga Afrika

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dekedaha Muqdisho iyo Berbera loo aqoonsaday kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika sanadkii 2024, sida lagu sheegay warbixinta Container Port Performance Index (CPPI) oo ay si wadajir ah u soo saareen Bangiga Adduunka iyo Hay’adda S&P Global Market Intelligence.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku bogaadiyay guushan, isaga oo xusay in ay ka tarjumayso dadaalka dowladda, maamulka dekedaha, shirkadaha maamula iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay ee lagu horumarinayo adeegyada dekedaha dalka.

“Guushan waxay caddeyn u tahay in Soomaaliya ku talaabsatay horumar muuqda oo ku saabsan casriyeynta iyo hufnaanta dekedaha, iyadoo ay dowladda ka go’an tahay in dekedaha dalka laga dhigo marinno lagu kalsoonaan karo oo qeyb ka qaata kobaca ganacsiga caalamiga ah,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka waxa uu intaa ku daray in dowladda ay ka go’antahay casriyeynta dekedaha dalka, kordhinta hufnaanta, iyo in laga dhigo marinno lagu kalsoonaan karo oo ganacsiga caalamiga ah.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles