Koofur Galbeed oo lagu eedeeyay in ciidankooda ay dad shacab ah ku laayeen G/Sh/Hoose

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in 13 qof lagu dilay duleedka degmada Walanweyne, gaar ahaan deegaanka Gareeri, kadib markii rag hubeysan oo la sheegay in ay wateen dareeska ciidamada Koofur Galbeed ay rasaas ku fureen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa Warta-C/raxman.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa sheegay in dadka lagu ururiyey goobta ka hor intaan rasaasta lagu furin, isagoo ku tilmaamay dhacdadan “isir sifeyn” ay fuliyeen ciidamo isku ekaysiiyey ciidamada maamulka Koofur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay gaarayaan 13 ruux, halka 8 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo shan kamid ah xaaladdoodu aad u liidato.

“Ciidan AS iska soo dhigay oo Koonfur Galbeed ka socda oo taliyahooda la yaqaan ayaa laayey Dadkii xoolo dhaqatada ahaa.., waana isir sifeyn” ayuu ku sheegay Wareysiga Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale maamulka Koofur Galbeed ayuu ku eedeeyay in ay ka dambeeyay falka ka dhacay duleedka degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed ama dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dhacdadan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles