MW Xasan Sheekh “Khilaafka xoog iyo xabad laguma xalinayo, wadahadal ayaan ku dhameynaynaa”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbadiisa furitaanka kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka ka sheegay in dowladdu ay dadaal ugu jirto xallinta khilaafka siyaasadeed ee ka dhexjira maamulka Jubbaland iyo Puntland, isagoo sheegay in khilaafka aan lagu xalin karin xoog iyo xabad, balse lagu xalin doono wada hadal iyo is afgarad.

“Waxaan dadaal ugu jirnaa walaalaha ka gows qabsaday Golaha Wadatashiga Qaran (Puntland iyo Jubbaland) sidii aan u raadin laheyn, Maqaamka iyo mas’uuliyadda lagu kabay odaynimo ayaa na faraya inaan qof kasta wax tabanaya aan raadino waana ku sii soconeynaa,” ayuu madaxweynuhu yiri.

Intaas kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooratay inay khilaafka ku xalliso wadahadal, isagoo caddeeyay in dowladdu aysan rabin inay ku xalliso dagaal iyo xabad.

“Waxaan dooranay in khilaafka aan ku xalino wada hadal iyo is afgarad,” ayuu raaciyay madaxweynuhu.

Khudbaddiisa inta kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka hadlay miisaaniyadda dalka, isagoo sheegay in inta badan miisaaniyadda lagu bixiyay xoreynta dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Argagixisada waxay u aheyd Caasimadda masrax ay ku ha laan riwaayad diimeed been ah oo ku saleysan qaraxyo iyo dhiig ay waddooyinka ku daadiyaan,” ayuu yiri.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale muujiyay in amniga caasimadda Muqdisho uu wax weyn iska bedelay sanadihii hore.

“Amniga caasimadda ayaa wax weyn iska bedelay, siduu ahaa sanadihii hore. Hey’addaha amniga sugeen amniga, Argagixisadana madaxdooda meelo fog fog lagu beegsanayo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay in xoojinta amniga ay qeyb ka tahay qorshaha dowladda ee ka hortagga argagixisada.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles