Puntland oo soo jeedisay in caasimadda dalka loo wareejiyo Garoowe iyo fariin ay u dirtay dowlad goboleedyada

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Ceydiid Dirir, ayaa ku baaqay in caasimadda Soomaaliya laga soo raro Muqdisho loona wareejiyo magaalada Garoowe, isagoo sheegay in taasi ay badbaado u tahay dowladnimada iyo ammaanka xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

Wasiir Ceydiid Dirir ayaa sheegay in Muqdisho aysan ahayn meel ammaan u ah xildhibaannada, isagoo tilmaamay in qaarkood ay ku xayiran yihiin hoteello ay ku tilmaameen “magafe”, sidaas darteedna loo baahan yahay in loo helo meel ay si nabad ah ugu shaqeeyaan.

Wasiirka ayaa fariin gaar ah u diray maamul goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, isaga oo ku booriyay inay ku soo biiraan baaqa Puntland si loo isu keeno shirweyne lagu qabanayo Garoowe, loogana tashado mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay dalka, gaar ahaan xiriirka Villa Somalia iyo maamul goboleedyada qaarkood, taas oo keentay dood adag oo ku saabsan qaabka dowladnimada iyo halka caasimaddu ku habboon tahay inay ahaato.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles