MW Xasan Sheekh “Khilaafka xoog iyo xabad laguma xalinayo, wadahadal ayaan ku dhameynaynaa”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbadiisa furitaanka kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka ka sheegay in dowladdu ay dadaal ugu jirto xallinta khilaafka siyaasadeed ee ka dhexjira maamulka Jubbaland iyo Puntland, isagoo sheegay in khilaafka aan lagu xalin karin xoog iyo xabad, balse lagu xalin doono wada hadal iyo is afgarad.

“Waxaan dadaal ugu jirnaa walaalaha ka gows qabsaday Golaha Wadatashiga Qaran (Puntland iyo Jubbaland) sidii aan u raadin laheyn, Maqaamka iyo mas’uuliyadda lagu kabay odaynimo ayaa na faraya inaan qof kasta wax tabanaya aan raadino waana ku sii soconeynaa,” ayuu madaxweynuhu yiri.

Intaas kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooratay inay khilaafka ku xalliso wadahadal, isagoo caddeeyay in dowladdu aysan rabin inay ku xalliso dagaal iyo xabad.

“Waxaan dooranay in khilaafka aan ku xalino wada hadal iyo is afgarad,” ayuu raaciyay madaxweynuhu.

Khudbaddiisa inta kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka hadlay miisaaniyadda dalka, isagoo sheegay in inta badan miisaaniyadda lagu bixiyay xoreynta dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Argagixisada waxay u aheyd Caasimadda masrax ay ku ha laan riwaayad diimeed been ah oo ku saleysan qaraxyo iyo dhiig ay waddooyinka ku daadiyaan,” ayuu yiri.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale muujiyay in amniga caasimadda Muqdisho uu wax weyn iska bedelay sanadihii hore.

“Amniga caasimadda ayaa wax weyn iska bedelay, siduu ahaa sanadihii hore. Hey’addaha amniga sugeen amniga, Argagixisadana madaxdooda meelo fog fog lagu beegsanayo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay in xoojinta amniga ay qeyb ka tahay qorshaha dowladda ee ka hortagga argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles