Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga BFS xili buuq siyaasadeed uu wajahayo dalka

Waxaa maanta si rasmi ah u furmaya kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo horyaalla ajandayaal culus oo la xiriira xaaladda siyaasadeed, ammaanka iyo shuruucda dhismaha dowladnimada.

Kalfadhigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalka uu ka jiro buuq siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, taas oo dhalisay in dhowr jeer dib loo dhigo furitaankiisa.

Waxaa sidoo kale jira cabsi laga qabo in kulanka maanta uu hareeyo sawaxan iyo diidmo siyaasadeed, maadaama ay jiraan xildhibaano mucaarad ah oo si weyn uga careysan hannaanka siyaasadeed ee socda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furaya kalfadhigan isaga oo jeedin doona khudbadda dastuuriga ah.

Khudbaddaas ayaa lagu wadaa inay diiradda saarto waxqabadka dowladda, qorshayaasha horyaalla Baarlamaanka inta uu socdo kalfadhigu, iyo marxaladda adag ee uu dalku marayo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu iftiimiyo guulaha dowladda ay sheegtay inay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dib-u-habeynta maaliyadda, iyo xiriirka caalamiga ah, halka Baarlamaanka laga sugayo inuu xoogga saaro mooshinnada iyo sharciyada mudnaanta u leh bulshada.

Furitaanka kalfadhigan 7-aad ayaa si gaar ah muhiim ugu ah xaaladda siyaasadeed ee dalka, maadaama mowjado siyaasadeed oo cusub ay soo kacayaan iyo mooshino horay loo gudbiyay ay wali miiska saaran yihiin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles