Duulimaadyadii Afgaanistaan ayaa hakad galay ka dib markii internet-ka la xiray

Garoonka diyaaradaha ee ugu weyn dalka Afgaanistaan ​​ayaa hakad ku jira iyadoo dalkaasi uu la daalaa dhacayo xanibaad dhanka Internetka ah oo dalkaasi oo dhan ay kusoo rogtay dowlada Talibanka.

Taalibaan wali ma aysan sheegin sababta rasmiga ah ee go’aankan oo dhaqan galay isniintii, balse waxa ay sheegeen in uu sii socon doono ilaa amar dambe.

Isgaarsiinta gudaha Afgaanistaan, iyo tan dunida kale, ayey si aad u saameeysay, sidoo kale waxaysaameyn ku yeelatay adeegyada muhiimka ah – oo ay ku jiraan bangiyada iyo lacag-bixinta – iyo helitaanka waxbarashada dhanka internetka ah, oo nolosha u ah haween iyo gabdho badan.

Gegida dayuuradaha ee caasimadda Kabul, ayaa dhanka kale “ku dhawaatay cidlo”, sida uu sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka, iyadoo aanay jirin wax caddayn ah oo muujinaya in diyaaraduhu soo degeen ama ka duulayaan.

Adeegga daba-galka duulimaadka Flightradar24 ayaa muujiyay in duullimaadyo koobnaa oo imanayey iyo kuwo baxayay Talaadadii la joojiyay. Kuwo kale oo badan ayaanay xaaladodu caddeys.

Mid ka mid ah rakaabka oo qorsheynayay inuu u duulo garoonka caalamiga ah ee Kabul Talaadadii ayaa loo sheegay ina aanu jiri doonin wax duulimaad ah ilaa Khamiista.

Qof kale oo dadka deegaanka ah ah ayaa sheegay in dhammaan duullimaadyadii ka imanayey garoonka diyaaradaha ee Kabul la joojiyay lagasoo bilaabo fiidnimadii Isniinta.

Waxa uu intaa ku daray in nolosha Kabul ay u muuqato mid iska caadi ah, balse waxa uu intaa ku daray in gabi ahaanba dalka oo dhan aanay ka jirin wax isgaarsiin ah.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles