Tuesday, March 3, 2026

Madaxweynihii hore ee DR Congo oo loo haystaa eedaymo badan

Maxkamad ku taal magaalada caasimadda ah ee Kinshasa ayaa garsoorayaal ka tirsan milatariga ayaa soo saaray xukunkii la wada sugayay ee ka dhanka ahaa Madaxweynihii hore.

Joseph Kabila ayaa lagu eedeeyay in uu la kulmay taliyeyaasha fallaagada M23 uuna kormeeray goobo tababar oo ku yaalla Goma iyo Bukavu, oo labaduba ay markii dambe qabsadeen kooxda.

Maxkmada ayaa dil ku xukunta Joseph Kabila isaga oo aan maxkmada joogin islamarkana xukun maqnaashiyo ah lagu riday.

Maxkamadda ayaa diiday codsi ah in la wareego hantidiisa balse waxay taageertay eedeymaha dambiyo dagaal, khiyaano qaran iyo shirqool.

Taageerayaasha Kabila ayaa maxkamadeynta ku tilmaamay mid siyaasadeysan, halka sraakiisha u hadshay dowladda ay sheegayaan in xukunka uu isbedel ku sameynayo cadaaladda Congo.

Kabila, oo dalka ka tagay laba sano ka hor, ayaa muddo kooban ku soo laabtay bishii May ee la soo dhaafay, isagoo tagay Goma oo ay fallaagada gacanta ku hayso.

Lama oga halka uu hadda ku sugan yahay madaxwaynihi hore ee Congo.

Joseph Kabila oo 54-jir ah ayaa 18-sanno hoggaaminayay DR Congo, kaddib markii uu xilka kala wareegay aabihiis Laurent oo la toogtay sannadkii 2001-dii.

Kabila ayaa xilka ku wareejiyay madaxweyne Félix Tshisekedi sanadkii 2019-kii, balse markii dambe waa ay isku dhaceen, Kabila ayaa musaafuris iskiis ah u galay 2023-kii.

WARARKII KALE

Dagaalka Bariga dhexe oo galay Maalintii afaraad

Iraan ayaa gantaallo horleh u riday dhanka Israa’iil, sida...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles