Golaha Shacabka oo ansixiyay axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Barwaaqada Carruurta

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah oo lagu ansixiyay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Barwaaqada Carruurta (African Charter on the Rights and Welfare of the Child).

Axdigan oo ay soo diyaarisay Midowga Afrika, ayaa ujeeddadiisu tahay in la ilaaliyo, la horumariyo, lana daryeelo xuquuqda carruurta Qaaradda Afrika, iyadoo si gaar ah looga hadlayo waxbarashada, caafimaadka, ka hortagga tacaddiyada, iyo daryeelka bulshada.

130 Xildhibaan ayaa u codeeyay meel marka axdigan, 10 mudane ayaa diiday, halka 5 kalena ay ka aamuseen.

Ansixinta Axdigan waxay muujinaysaa tallaabo muhiim ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaaday dhanka ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, iyadoo kor loogu qaadayo sharciga iyo siyaasadaha la xiriira daryeelka iyo barbaarinta ubadka.

Tallaabadan sidoo kale waxay fure u tahay in Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqoto dalalka saxiixay axdigaas, isla markaana loo helo taageero sharci iyo mid dhaqaale oo lagu horumarin karo mustaqbalka jiilka cusub ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles