Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray mashruuca koronto-gelinta 150 xarumo caafimaad dadweyne ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray mashruuca koronto-gelinta150 xarumo caafimaadka dadweynaha ah oo lacag la’aan ah, lagana hirgaliyay gobollada dalka.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan adeeg koronto oo tayo leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in mashruucan uu qayb ka yahay dadaallada Xukuumadda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha tamarta iyo adeegyada aasaasiga ah, isla markaana uu siin doono xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada tamar awood leh, taas oo kor u qaadaysa tayada adeegyada bulshada.

“Xukuumadda waxa ay diirada saartay in dadku helaan adeeg koronto iyo waxbarasho tayo sare leh, dhammaan adeegyada dadweynaha waxaa asal u ah koronto awood leh, Korontada aan maanta wadno ee dhamaan Soomaaliya laga hirgaliyay waa koronto deegaanka la saaxiib ah oo loo yaqaan Tamarta Cagaaran, waxaana rajeyneynaa in ay dadka Soomaaliyeed awood u helaan in ay iibsadaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa ayaa xusay in tallaabadani ay muhiimad gaar ah u leedahay dalka, isla markaana lagu wajahayo horumar dhanka tamarta ah, Xukuumaddana ay ka go’an tahay in ay sii ballaariso adeegyada korontada si loo xaqiijiyo adeegga bulshada.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles