Golaha Shacabka oo ansixiyay axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Barwaaqada Carruurta

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah oo lagu ansixiyay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Barwaaqada Carruurta (African Charter on the Rights and Welfare of the Child).

Axdigan oo ay soo diyaarisay Midowga Afrika, ayaa ujeeddadiisu tahay in la ilaaliyo, la horumariyo, lana daryeelo xuquuqda carruurta Qaaradda Afrika, iyadoo si gaar ah looga hadlayo waxbarashada, caafimaadka, ka hortagga tacaddiyada, iyo daryeelka bulshada.

130 Xildhibaan ayaa u codeeyay meel marka axdigan, 10 mudane ayaa diiday, halka 5 kalena ay ka aamuseen.

Ansixinta Axdigan waxay muujinaysaa tallaabo muhiim ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaaday dhanka ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, iyadoo kor loogu qaadayo sharciga iyo siyaasadaha la xiriira daryeelka iyo barbaarinta ubadka.

Tallaabadan sidoo kale waxay fure u tahay in Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqoto dalalka saxiixay axdigaas, isla markaana loo helo taageero sharci iyo mid dhaqaale oo lagu horumarin karo mustaqbalka jiilka cusub ee dalka.

WARARKII KALE

Puntland oo war ka soo saartay xal u helida colaada ka taagan G/Sanaag

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles