Wednesday, April 15, 2026

MW Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo weli is mari la’ iyo Kenya oo isku dayeysa inay badbaadiso wada-hadallada

Wada-hadalladii u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay natiijo la’aan kusoo dhammaaday, kadib markii labada dhinac ay isku mari waayeen qodobka ugu weyn ee khilaafka – doorashadii uu qabtay Axmed Madoobe bishii November 2024, taas oo dowladda federaalka ay diiday inay aqoonsato.

Kulanka oo xalay ka dhacay Guriga Martida ee magaalada Kismaayo ayaa ahaa mid xiiso badan, iyadoo labada Madaxweyne ay si adag ugu adkeysteen mowqifyadoodii hore. Wakiilada dowladda federaalka ayaa ku doodayay in doorashada Jubbaland aysan waafaqsaneyn nidaamka dastuurka, halka dhinaca Jubbaland uu sheegay in doorashadaasi ahayd mid sharci ah oo shacabka maamulkaas ay doorteen.

Waxaa la filayaa in maanta dib loo bilaabo wada-hadallada, iyadoo la rajeynayo in kulanka maanta uu keeno isfahan iyo tanaasul siyaasadeed oo horseeda xal waara. Ilo ku dhow wada-xaajoodka ayaa sheegaya in ay jiraan “rajado wanaagsan”, inkasta oo ay weli jiraan arrimo adag oo miiska saaran.

Madaxa Sirdoonka Kenya, Nuuradiin Xaaji, ayaa si weyn ugu hawlan fududeynta wada-hadallada, isaga oo labada dhinac ku cadaadinaya inay muujiyaan is-faham iyo tanaasul. Nuuradiin Xaaji ayaa habeenkii xalay kulamo gaar-gaar ah la qaatay labada Madaxweyne, isagoo isku dayaya in la helo meel dhexe oo lagu heshiin karo.

Warar madax bannaan ayaa sheegay in dhinacyadu ay oggolaadeen in la sii wado wada-hadallada maanta, iyadoo rajo laga qabo in la gaaro isfaham ku saabsan arrimaha doorashada, maamulka amniga, iyo xiriirka Jubbaland iyo dowladda federaalka.

Haddii ay maanta heshiis dhab ah soo baxo, waxaa loo arki doonaa guul siyaasadeed oo muhiim u ah xasilloonida Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya. Hase yeeshee, haddii kulanku mar kale natiijo la’aan kusoo dhammaado, waxaa la filayaa in wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles