Madaxweynaha Hirshabelle oo weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hadal kulul u jeediyay mucaaradka maamulkaasi, isaga oo sheegay in la soo dhaafay xilligii lagu xallin jiray khilaafaadka iyo cabashooyinka iyadoo la adeegsanayo hub.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa hadalkan ka sheegay munaasabada sanad guurada maamulka Hirshabelle, isagoo si toos ah u weeraray kooxaha mucaaradka ee ku eedeeya in maamulkiisu u shaqeeyo si hal dhinac ah.

“Waa laga soo tagay xilligii qori wax lagu jirin jiray. Haddii aad qori haysato, waa inaad ogaataa in cadow badan uu dalka soo galay, oo aan maanta la joogin waqti la isku hanjabo,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la mideeyo dadaallada lagu xasilinayo gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Hirshabelle guud ahaan, isaga oo sheegay in mucaaradnimada hubeysan ay dib u dhigayso nabadda iyo horumarka bulshada.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo soo noqnoqday gudaha Hirshabelle, gaar ahaan deegaannada Jowhar iyo Beledweyne, halkaas oo mucaarad siyaasadeed iyo maleeshiyaad deegaanka ah ay marar badan ku dhawaaqeen diidmo ku aaddan hoggaanka hadda jira.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles