Shirkii nabadda Qasa oo maanta ka furmaya Masar

Wadahadallo aan toos ahayn oo lagu doonayo in heshiis dhammeystiran laga gaaro qorshaha nabadeed ee Mareykanka uu ku joojinayo dagaalka Qasa ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Talaado ah ka sii socdo magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Saraakiisha Falastiiniyiinta iyo Masar ayaa BBC-da u sheegay in fadhiyada diiradda lagu saarayo “abuurista xaaladaha” in la is dhaafsado in la sii daayo dhammaan la haystayaasha Israa’iil si loogu beddelo tiro maxaabiis ah oo Falastiiniyiin ah.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa Sabtidii sheegay in uu rajeynayo in uu ku dhawaaqo sii deynta la haystayaasha “maalmaha soo socda”.

Iyadoo mas’uuliyiintu ay kulmeen Isniintii, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Aqalka Cad: “Runtii waxaan haysannaa fursad wanaagsan oo aan heshiis ku gaarno, wuxuuna noqon doonaa heshiis waara.”

Xamaas ayaa sheegtay inay oggolaatay soo jeedinta qorshaha nabadda qayb ahaan, laakiin kama aysan jawaabin dhowr dalab oo muhiim ah – oo ay ku jiraan hub ka dhigisteeda iyo inaysan wax door ah ku yeelan mustaqbalka maamulka Qasa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles