Thursday, February 26, 2026

Mucaaradka oo weli ku adkeysanaya in ay Banaanbax ku qabtaan Muqdisho

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa si weyn uga socda abaabul lagu diyaarinayo dibadbax ay ku baaqeen siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Banaanbaxan ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana mucaaradku sheegeen inuu yahay mid looga soo horjeedo, sida ay hadalka u dhigeen, barakicinta iyo dhul boobka ay dowladda ku heyso shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha amniga ayaa si wadajir ah uga soo horjeestay abaabulkaasi, iyagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah isla markaana laga digay cawaaqibka ka dhalan kara haddii la isku dayo in si qasab ah loo qabto.

Xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in dibadbaxoodu uu dhici doono berri oo Khamiis ah, isla markaana ay wadaan qabanqaabadii ugu dambeysay. Kulamo iyo qorsheyn siyaasadeed oo lagu sii amba-qaadayo abaabulkaasi ayaa xalay iyo saaka ka socday Muqdisho.

Indhaha siyaasadda dalka ayaa hadda ku jeeda tallaabada ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya, haddii mucaaradku isku dayaan inay si toos ah banaanbax uga dhigaan magaalada, xilli xiisad siyaasadeed oo cusub ay u muuqato mid cirka isku shareertay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Israa’iil oo yimid dal Soomaaliya daris la ah

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa Arbacada saaka ah yimid...

Baarlamanka oo maanta loo qeybinayo cutubyadii ugu dambeeyay ee Dastuurka

Xildhibaannada labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare...

Trump oo markale weerar afka ah ku qaaday Ilhan Cumar iyo Soomaalida

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo khudbad u jeedinaya Congress-ka,...

Madaxweynaha Soomaaliland oo dhawaan la filayo inuu tago Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa dabayaaqada bisha Maarso...

Soomaaliya iyo Kasakhstan oo iska kaashanaya sahminta Shidaalka

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Kazakhstan danjire...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles