Wednesday, April 15, 2026

Xildhibaanada labada aqal ee BFS oo akhtinta koowaad marsiiyay warbixin maaliyadeedka sanadkii 2024

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa wadajirka ah ee labaad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 140-Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 27-Xildhihaan oo Golaha Aqalka sare ah, waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta koowaad ee warbixin maaliyadeedka sanadkii ku dhamaaday 31 Diseembar 2024, waxaana warbixinta mudanayaasha labada aqal la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige.

Intaasi ka dib, maadaama warbixinta maanta akhrinta koowaad la marsiinayay kama furneyn wax dood ah, sidaas daraadeed Xildhibaanadda labada aqal ayaa su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud ee warbixintan weydiiyay Wasiirka Maaliyadda oo kulanka joogay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Maaliyadda ee labada aqal inuu soo diyaariyo warbixinta akhrinta labaad si uu Golaha uga doodo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles