Soomaaliya oo la wareegtay maareynta Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka

 

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah oo Soomaaliya ay kula soo wareegeyso maareynta Madaxa Bannaan iyo waajibaadkeeda Qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, kaasi oo Soomaaliya ka maqneyd tan 1993-dii.

Guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ka gaartay kulankii loogu codeeyey ee ka dhacay magaalada Geneva, Switzerland, ayaa meesha ka saareysa soo magacaabista qabiirka Xuquuqul Insaanka, oo dalkeenna loo soo magacaabi jiray labadii sano ee la soo dhaafay.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo hogaamineysa wafdiga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Geneva, ayaa tallaabadan ku tilmaantay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah guulaha isdaba-joogga ah ee Soomaaliya ka gaartay fagaareyaasha caalamka, iyadoo horey ay Soomaaliya ugu guuleysatay qaadista cunaqabateyntii hubka iyo deyn-cafinta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta...

Aadan Madoobe oo la shiray Ciidamada Itoobiya

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddoomiye Jaamac oo war ka soo saaray halista Kooxaha Burcad badeeda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bayaan...

Turkiga oo beeniyey in xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Soomaaliyeed

Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada...

Weriye Boqorka Bartamaha oo lagu dilay Jarmalka

Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday ruugcaddaa saxaafadeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles