Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Khayelitsha oo ka mid ah deegaanada hoostagta magaalada Cape town ee dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Abuukar, kaasoo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee sida weyn looga garanaayay deegaanada gobolka Western Cape.

Dilka muwaadinka Soomaaliyeed oo ka dhacay gudaha goob ganacsi uu ku lahaa deegaanka Khayelitsha ayaa waxaa geystay burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas, kuwaas oo si deg deg ah uga baxsaday goobta.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koofur Afrika ayaa dilka kadib tagay goobta lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed, iyagoona halkaas ka sameeyay baaritaan kooban oo aysan ka soo bixin wax matiijo ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles