RW Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska maalinta Calanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku beegan 12-ka Oktoobar u diray guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in maalintani ay tahay mid qiimo weyn ku leh ummadda Soomaaliyeed, oo ay ku beeggan tahay markii maanta oo kale sanadkii 1954-tii la gardaadiyey Calanka Jamhuuriyadda oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Hambalyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed waa astaan u taagan wadajir iyo midnimada bulshadeenna, gobannimada Soomaaliyeed ee aan maanta ku naaloonayno waxa ay ku timid halgankii ay galeen geesiyadii u istaagay difaaca, sharafka iyo karaamada ummaddeenna, si aan u xaqiijiyo mirihii ka dhashay gobannimada ay dhaliyeen geesiyaashaas, waa in aan dhammaanteen u midownaa cadowga dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarka.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ilaashadaan guushii uu dhiigga badan u daatay ee dalkeennu loogu dhaliyey xornimadiisa, kana gudbaan wax kasta oo keenni kara kala qeybsanaan iyo midnimo la’aan bulsho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles