madaxweynaha Hirshabelle oo shir gudomiyay Kulan Looga Hadlayay Amniga

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulan diirada lagu saaray oo ay ka qeybgaleen saraakiisha ciidamada Booliiska, Xogga Dalka iyo Nabad-sugida.

Waxa kale oo goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo xubno ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.

Ugu horeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyey saraakiisha amniga sida ay isaga xilsaareen amniga caasimada intii lagu gudajiray munaasabada 9-aad ee aas-aaska Dowladda Hirshabeelle.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Hirshabeelle Sarreeye Guuto Xasan Dhicisoow Xasan ayaa Madaxweynaha kaga warbixiyey dhammaan shaqadda nabad-gelyada.

Sidoo kale Taliyaha Guutada 3-aad qeybta 12-ka April Sarreeye Guuto Saneey Cabdulle Nuur ayaa Madaxweynaha xog ka siiyey waxyaabaha ay kuu foogan yihiin ciidamada qalabka sida.

Taliyaha Nabad-sugida ee magaalada Jowhar Cali Dheere ayaa tilmaamay waqtiyadii dambe xog-sugan oo wadajir ah in lagu howlgalaayey.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa yiri: “Dhammaan ciidamada qalabka sida waan ku ammaanayaa kaalintooda iyo dadaalka naf-hurnimo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha ciidamada inay u turaan waqtiga shaqadda dadka nugul sida, waayeelka, haweenka iyo carruurta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles