madaxweynaha Hirshabelle oo shir gudomiyay Kulan Looga Hadlayay Amniga

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulan diirada lagu saaray oo ay ka qeybgaleen saraakiisha ciidamada Booliiska, Xogga Dalka iyo Nabad-sugida.

Waxa kale oo goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo xubno ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.

Ugu horeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyey saraakiisha amniga sida ay isaga xilsaareen amniga caasimada intii lagu gudajiray munaasabada 9-aad ee aas-aaska Dowladda Hirshabeelle.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Hirshabeelle Sarreeye Guuto Xasan Dhicisoow Xasan ayaa Madaxweynaha kaga warbixiyey dhammaan shaqadda nabad-gelyada.

Sidoo kale Taliyaha Guutada 3-aad qeybta 12-ka April Sarreeye Guuto Saneey Cabdulle Nuur ayaa Madaxweynaha xog ka siiyey waxyaabaha ay kuu foogan yihiin ciidamada qalabka sida.

Taliyaha Nabad-sugida ee magaalada Jowhar Cali Dheere ayaa tilmaamay waqtiyadii dambe xog-sugan oo wadajir ah in lagu howlgalaayey.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa yiri: “Dhammaan ciidamada qalabka sida waan ku ammaanayaa kaalintooda iyo dadaalka naf-hurnimo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha ciidamada inay u turaan waqtiga shaqadda dadka nugul sida, waayeelka, haweenka iyo carruurta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles