RW Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska maalinta Calanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku beegan 12-ka Oktoobar u diray guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in maalintani ay tahay mid qiimo weyn ku leh ummadda Soomaaliyeed, oo ay ku beeggan tahay markii maanta oo kale sanadkii 1954-tii la gardaadiyey Calanka Jamhuuriyadda oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Hambalyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed waa astaan u taagan wadajir iyo midnimada bulshadeenna, gobannimada Soomaaliyeed ee aan maanta ku naaloonayno waxa ay ku timid halgankii ay galeen geesiyadii u istaagay difaaca, sharafka iyo karaamada ummaddeenna, si aan u xaqiijiyo mirihii ka dhashay gobannimada ay dhaliyeen geesiyaashaas, waa in aan dhammaanteen u midownaa cadowga dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarka.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ilaashadaan guushii uu dhiigga badan u daatay ee dalkeennu loogu dhaliyey xornimadiisa, kana gudbaan wax kasta oo keenni kara kala qeybsanaan iyo midnimo la’aan bulsho.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles