IMF oo war ka soo saartay Horumarka ay DF ka gaartay Dhaqaalaha Soomaaliya

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib laba toddobaad kulan ah oo ay wada yeeeshaan qaar kamid ah hay’adaha Dowladda oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo xubno sare oo ka socday Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF oo ay ugu sareysay Mrs. Ran Bi oo ah wakiilka arrimaha Soomaaliya ee IMF.

Warbixintan ay soo saartay IMF ayaa timid kadib markii ay ansixiyeen Guddiga Sare ee Hay’adda oo shir gaar ah ka yeeshay natiijadii ka soo baxday kulankii dhexmaray hey’adaha Dowladda iyo IMF, sida ay ka hor sheegtay Guddiga Mrs. Ran Bi oo tilmaamtay in ay la kulantay natiijo la taaban karo kadib kulankii ay la yeelatay Wasiirka Maaliyadda iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo Nairobi kulamo ku yeeshay 16-kii September ilaa iyo 8-da bisha October 2025.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa soo dhaweeyay Warbixintaan IMF, kuna tilmaamay in ay ku timid dadaal xoogan oo ay galiyeen hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka. Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in ay Dowladdu sii laba laabayso dadaalka horumarineed ee dhaqaalaha Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya.

Soomaaliya 30 sanno kaddib sanadkii 2023 laga cafiyay deymhii lagu lahaa iyadoo IMF iyo Hey’addaha kale Maaliyadda caalamiga ah kala shaqeeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya sidii Soomaaliya deyn cafinta kaddib looga garab siin lahaa Horumarinta Dhaqaalaha iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles