Aqalka Sare ee BFS oo markale ka doodaya Maalgashiga iyo Khilaafka DF iyo dowlad goboleedyada

Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya khilaafka siyaasadeed ee xoogan ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Ajendeyaasha loo diray Senatorada Aqalka sare ayaa waxaa ka mid ah

AJANDAHA KULANKA:

1.Akhrinta 3aad* ee Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed.

2..Sii wadista ka doodista Warbixin ku saabsan ka talo bixinta kaalinta Aqalka Sare ee Arrimaha Dowladaha Xubinta ka ah Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya,

  1. IWK

Dooddan ayaa ku saabsan kaalinta Aqalka Sare ee xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, iyadoo lagu saleeyay warbixin rasmi ah oo horyaalla golaha.

 

Senataro ka tirsan Aqalka Sare, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Puntland iyo Jubbaland, ayaa marar badan dowladda Federaalka ku eedeeyay faragelin iyo qorshe lagu wiiqayo maamulada ay matalaan.

Doodda maanta ayaa ku soo beegantay iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso dhismaha maamul cusub oo ka hanaqaada gobolka Gedo — arrin uu maamulka Jubbaland si adag uga soo horjeedo.

Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa digniin ka bixiyay tallaabo kasta oo lagu dhisayo maamul ka dhan ah Jubbaland, isagoo ku tilmaamay mid dhaawacaya wada shaqeynta federaalka.

Khilaafka sii kordhaya ayaa la sheegay inuu wiiqay dadaallada dowladnimada iyo qorshayaasha horumarineed ee dalka, xilli Soomaaliya ay wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles