Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
‎
‎Shirkan oo ah kii 19-aad ee Wasiirrada dalalka ku bahoobay Ururka Dhexdhexaadka Adduunka ayaa waxaa Soomaaliya ku matalaya Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, halka ay goobjoog ka tahay Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.
‎
‎Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dalalka xubnaha ka ah ururkan ay u yeelan lahaayeen hal cod oo mideysan oo caalamka dhan laga maqlo ay yeeshaan iyo in la mideeyo mowqifyada siyaasadeed ee dalalka xubnaha ka ah.
‎
‎Intii uu shirku socday, waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta ee lagu joojiyay duullaanka iyo tacaddiyada Israa’iil ay ku hayso dhulka Falastiin, iyadoo la isku raacay in qaddiyadda Falastiin ay tahay mid joogto ah oo aan isbeddelayn loogana soo horjeedo dulmiga lagu hayo shacabka reer Falastiin.
‎
‎Intaas kadib shirka ayaa loo qaybiyay labo guddi oo kasoo tala bixinaya arrimaha siyaadadda iyo dhaqaalaha ee ururkan.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles