Xusuus iyo Xanuun: 8 Sano kadib musiibadii Soobe

Maanta oo kale 14-kii October sanadkii 2017-kii waxa ay taariikh madow u tahay bulsho weynta Soomaaliyeed, waa maalin ku asteysan dhiig iyo hilbo gubtay, waxa ay dad badan ku waayeen ehel iyo asxaab iyo kuwii ay dadka ugu jeclaayeen.

Waa maalintii guud ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay isku badashay holac qiiq iyo uuro madow, waxa toddobaadyo la uruurinayay meydad iyo dhaawacyo, waxaana ay guud ahaan Soomaliya u ahayd maalmo baroor diiq oo dadku ay xirteen maryo midab ahaan cas.

Waxaa halkaasi laga diiwaan geliayay qisooyin badan, waxaa ku naafoobay boqllaal ruux, waxaana ku rajo belay kumanaan, balse arrinta ugu xanuunka badan ayaa ahayd in dad badan ay weli raq iyo ruuxba ku la’yihiin kuwii dad ugu dhawaa oo iyagoo nabad qaba ay isugu aragti dambeysay.

Dad badan oo waayay kuwo kamida ehelladoodii, ayaan weli si rasmi ah u samrin maadaama ay waayeen xitaa astaan yar oo kamida qofkoodii geeriyooday, waxaana ay kamid ahayd dhacdooyinkii laga diiwaan geliyay qaraxii 14-kii Octoobar ee ka dhacay isgoyska soobe.

Qaraxaas waxaa ku dhimatay in ka badan 500 oo qof, waxaana ku dhaawacantay illaa in ka badan 600 oo kale. Waxaa sidoo kale burburay dhismeyaashii waddada saarnaa.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu isgoyska Soobe aad u mashquul badnaa, waxaana ka jiray saxmad wayn oo dhanka gawaarida iyo dadka ah. Hareeraha Wadadana waxaa buux dhaafiyay dad warato ahaa iyo kuwo socday.

14-ka October 2017-kii  waxay ahayd maalin mugdi ku reebtay taariikhda Soomaaliyeed.
Maanta, 8 sano kadib, Soomaaliya weli way xasuusataa , dhiiggii daatay, dadka la waayay, iyo xanuunkii aan weli la hilmaamin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles