BFS oo maanta dooranaya xubnaha Soomaaliya ku meteli doono Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dooranaya ergada xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA), kaas oo fadhigiisu yahay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Doorashadan ayaa muhiim u ah doorka iyo muuqaalka Soomaaliya ee ku aaddan iskaashiga gobolka Bariga Afrika, iyadoo ay tani noqonayso markii ugu horreysay ee dalka si buuxda uga qayb qaato Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika.

Sida uu sheegay Guddiga Wadajirka ah ee Xulista iyo Doorashada Xildhibaannada Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), tirada musharrixiinta isu diiwaangelisay tartanka waa siddeed iyo toban (18) musharrax, halka kuraasta laga tartamayo ay yihiin sagaal (9) xubnood.

Guddiga ayaa shalay si rasmi ah ugu soo gabagabeeyay diiwaangelinta musharrixiinta, isla markaana guddoonsiiyay shahaadooyinka musharraxnimo, si ay ugu tartamaan doorashada maanta dhaceysa.

Doorashadu waxay ka socotaa Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay isugu yimaadeen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah — Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare si ay u codeeyaan una doortaan xubnaha matalaya Soomaaliya.

Doorashada xubnaha Soomaaliya ee ku biiraya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa xiriirka iyo ka-qaybgalka Soomaaliya ee arrimaha dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo amni ee gobolka Bariga Afrika.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay in hannaanka uu yahay mid daahfuran oo ku saleysan hufnaan, iyadoo lagu wado in natiijada rasmiga ah lagu dhawaaqo marka codbixinta la soo gabagabeeyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles