Trump oo sheegay in Mareykanka uu hubka ka dhigi doono Xamaas hadii iyagu diidaan

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay haddii Xamaas aysan hubkeeda dhigin uu Mareykanka hubka ka dhigi doono kooxda,weliba sida ugu dhaqsiyaha badan laga yaabana qaab rabshadeysan.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in Xamaas ay u sheegeen inay hubka dhigi doonaan, taas oo qeyb ka ah heshiiskiisa xabad joojinta, isaga oo ku adkeysanaya inay taasi dhici doonto.

Hadalladiisa waxaa taageeray raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo wareysi uu siiyay CBS news ku sheegay, inay aad u caddahay in marxaladda xigta ee qorshaha nabadda Gaza ay tahay in laga dhigo Gaza goob aan ciidamo lahayn oo hubka laga dhigo Xamaas.

Wuxuu sheegay inuu rajeynayo in taasi si nabad ah loo sameyn karo laakiin ay tahay in ay hubiyaan inaysan jirin warshado hub ah gudaha Gaza, iyo in aan hub la so gelin Falastiin.

Xamaas ayaa wareejisay afar meyd oo kale oo lahaystayaasha Israa’iil ah, sida ay xaqiijiyeen milaytariga Israa’iil.

Maanta oo Arbaca ahna, waxaa la filayaa afar meyd oo kale in la soo wareejiyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles