Raila Odinga, Hoggaamiyihii Mucaaradka Kenya iyo Ra’iisul Wasaarihii Hore, oo Geeriyooday

Hoggaamiyihii ugu saameynta badnaa mucaaradka Kenya, isla markaana ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas, Raila Amolo Odinga, ayaa geeriyooday isagoo 80 jir ah.

Raila Odinga ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Hindiya, halkaas oo uu maalmahan ku jiray xaalad caafimaad oo lagu daweynayay, gaar ahaan xanuun dhanka wadnaha ah.

Odinga, oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii Kenya intii u dhaxeysay 2008–2013, ayaa door muhiim ah ka qaatay siyaasadda Kenya iyo dib-u-heshiisiintii qaranka kadib doorashadii muranka dhalisay ee 2007.

Wuxuu ahaa hogaamiyaha xisbiga ODM (Orange Democratic Movement), waxaana loo aqoonsan yahay siyaasi muddo dheer u halgamayay dimoqraadiyadda, cadaaladda, iyo midnimada Kenya.

Odinga wuxuu kaloo caan ku ahaa heshiiskii “Handshake” ee taariikhiga ahaa ee uu la galay Madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta sanadkii 2018, kaas oo soo afjaray xiisad siyaasadeed oo qaran, una horseeday Kenya xasilooni iyo dib u heshiisiin siyaasadeed.

Geerida Raila Odinga ayaa si weyn uga naxdin gelisay shacabka Kenya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles