Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis diblomaasiyadeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorrada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudaha dal-ku-galka, kadib heshiis is-afgarad ah oo ay ku kala saxiixdeen magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Heshiiskaan waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad) iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Azerbaijan, Mudane, Samir Sharifov, xilli ay ka qeybgalayeen shir caalami ah oo ka socday Kampala.

Munaasabadda saxiixa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare.

Labada Wasiir ayaa waxay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan iyo loo sii ballaarin lahaa xiriirka sii xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta soo celinta iyo xoojinta sumcadda caalamiga ah ee dalka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles