Duqa Muqdisho oo maanta furay waddooyin xirnaa muddo dheer

Waxaa maanta si rasmi ah dib loogu furay saddex waddo oo muhiim ah oo u xirnaa sababo amni dartood. Mashruucan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee dowladda hoose ee lagu fududeynayo isu-socodka bulshada iyo gaadiidka caasimadda.

Waddooyinkan maanta dib loo furay ayaa kala ah; Waddada ka baxda Barta Hubinta Garoonka Aadan Cadde ee KM4, ee tagta xaafadda Tiitiinley ee degmada Wadajir, Waddada ka baxda isla jagboyntigaas ee marta buundada Waaberi, Iyo Waddada Beexaani, oo xiriirisa Isgoyska Sanca iyo Istaadiyaha Injineer Yariisow.

Munaasabadda dib-u-furitaanka seddexda waddo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Gobolka Banaadir, Liibaan Aadan, Taliyaha qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Macalin Mahdi, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Dr. Xasan Muungaab, ayaa sheegay in mashruuca dib-u-furitaanka waddooyinkan uu yahay qorshe qeexaya soo noqoshada kalsoonida iyo xasiloonida magaalada Muqdisho, isla markaana uu qayb ka yahay barnaamijka Dowladda Hoose ee lagu dardargelinayo isu-socodka shacabka iyo kobcinta dhaqaalaha magaalada.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabooyinkan ay astaan u yihiin guusha shacabka iyo ciidamada amniga ee dalka, kuwaas oo si geesinimo leh u xaqiijiyay in Muqdisho ay si tartiib ah uga xoroowdo isku-dayada kooxaha Khawaarijta ee doonaya inay carqaladeeyaan nolosha bulshada.

Mashruuca dib-u-furista waddooyinka ayaa yoolkiisu yahay in uu fuliyo dib-u-furista 52 waddo, si loo yareeyo ciriiriga gaadiidka, loo fududeeyo adeegyada bulshada, loona kobciyo dhaqaalaha magaalada. Waxaana horey loo furay waddada dhabarka dambe ka marta xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku celiyay ballanqaadkiisa ah in uu si dhow ula shaqeyn doono hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka si loo xaqiijiyo in caasimadda Muqdisho ay noqoto meel ammaan ah oo nadiif ah oo ay muwaadiniinteeda ku naalloodaan bilic iyo baraare.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles