Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis diblomaasiyadeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorrada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudaha dal-ku-galka, kadib heshiis is-afgarad ah oo ay ku kala saxiixdeen magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Heshiiskaan waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad) iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Azerbaijan, Mudane, Samir Sharifov, xilli ay ka qeybgalayeen shir caalami ah oo ka socday Kampala.

Munaasabadda saxiixa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare.

Labada Wasiir ayaa waxay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan iyo loo sii ballaarin lahaa xiriirka sii xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta soo celinta iyo xoojinta sumcadda caalamiga ah ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles