Thursday, June 25, 2026

MW Xasan Sheekh oo guddoomiyay shirka Golaha wasiirada Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay Wasiirrada in ay xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta howlaha dowladda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay guulo muhiim ah oo laga gaaray dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo dowlad-dhiska, iyadoo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay tiradii ugu badnayd ee Khawaarijta argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka. Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in miisaaniyadda sanadka 2026 ay kor u kici doonto, lana qorsheeyay in kororkaasi lagu maalgeliyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay Golaha Wasiirrada in ay si buuxda uga qeybqaataan dadaallada dimuqraadiyeynta dalka, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka loona adkeeyo muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

   

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kheyre”Xasan Sheekh ayaa amray xarigga iyo Xukunka Sacdiyo Bajaaj”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Maxkamadda G/Banaadir oo 3 Sano oo Xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun saddex sano oo...

Xasan Sheekh oo lagu Cadaadinayo inuu soo Bandhigo heshiiskii doorashooyinka Federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu...

Pakistan oo Wafdi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya si loo sii daayo Muwaadiniin la Haysto

Dowladda Pakistan ayaa wafdi diblomaasiyadeed ka soo dirtay dalka...

RW Xamse iyo Qoorqoor oo la Filayo inay shaaciyaan heshiis ku saabsan Doorashada Galmudug

R/Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles