Booliska Soomaaliya oo sheegay in daawooyinka halista ah ee maanka dooriya lagu qabtay Dekedda Muqdisho

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdi Fitaax Aadan, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka ay dekedda Muqdisho ay qabteen daawooyinka halista ah ee maanka dooriya.

Afhayeenku wuxuu sheegay in kunteenar lagu qabtay dekedda, kaas oo laga helay waxyaabo maanka dooriya oo laga dhigay dawooyin, iyo sidoo kale dadka waday alaabtaas.

“Maandooriyahaan waxaan uga daba tagnay gudaha kartoonkii lagu soo shubay, kaas oo dusha looga qoray erayga Baisimool,” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska.

Horey Dekedda Muqdisho waxaa looga qabtay kiisas la mid ah oo lagu soo geliyay waxyaabo maanka dooriya, taas oo muujineysa in falalkan ay yihiin kuwo joogto ah oo khatar ku ah amniga bulshada.

Daawooyinka loo isticmaalo daragooda ayaa halis weyn ku ah shacabka Soomaaliyeed, iyadoo laamaha ammaanka ay kordhiyeen kormeerka iyo qabashada dawooyinka la keeno dekedaha iyo shaqsiyaadka lagu eedeeyo falalkan sharci-darrada ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles