Thursday, June 25, 2026

Wasiirka shaqada XFS oo shir-doceed la yeeshay wasiirka Shaqada Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kulan doceed kula yeeshay Prof. Dr. Vedat IÅŸikhan, Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay dhameystirka iyo fulinta heshiiskii horey ay u gaareen labada wasaaradood, kaas oo lagu ballamay in si rasmi ah saxiixisu dhawaan ka dhaco dalka Turkiga. Heshiiskaas, oo ay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ansixiyeen bishii July 2025, wuxuu diiradda saaraya shaqo-abuurka, shaqo-siinta, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha.

Sidoo kale, labada masuul ayaa isla garteen in tababaro aqoon-kororsi ah loo fidiyo shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, si ay uga faa’iideystaan aqoonta iyo khibradda Turkiga ee la xiriirta horumarinta awoodda shaqaalaha iyo maamulka shaqooyinka bulshada.

Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işikhan, soo dhoweynta diirran iyo sida uu mar walba uga go’an yahay xoojinta iskaashiga iyo walaaltinimada ka dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles