Israa’iil oo weerar ku ekeysay Qasa maanta

Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka geysatay koonfurta Qasa, iyadoo ku eedaysay Xamaas weerarro “xad-gudub kas ah oo xabbad-joojinta ah”.

Afhayeen u hadlay militariga ayaa sheegay in Xamaas ay fulisay “weerarro badan oo ka dhan ah ciidamada Israa’iil oo ka baxsan xarriiqda jaallaha” – taas oo ay sheegeen in ay tahay aagga ay ciidamada Israa’iil ka baxeen si waafaqsan wejiga koowaad ee heshiiska uu gar-wadeenka ka ahaa Mareykanka.

Xamaas ayaa sheegtay inay ka go’an tahay xabbad joojinta waxayna ku eedeeyeen Israa’iil inay jebisay dhowr jeer.

Heshiiska – oo qayb ka ah qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka Qasa ee laba sano jirsaday – waxa uu dhaqan galay 10kii Oktoobar, waxaana wejigiisa koowaad uu sababay in la sii daayo la haystayaashii Israa’iil iyo maxaabiis Falastiiniyiin ah.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles